Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Kenya oo Xabsi kasii deysay nin katirsanaa Al Shabaab oo Xabsi Daa’in horey loogu riday

Maxkamad kutaala dalka Kenya ayaa amartay in xabsiga laga sii daayo nin horey u qirtay in uu katirsanaa Al Shabaab kana qeyb qaatay weerar dad badan lagu dilay oo ka dhacay saldhigga basaska ee Machakos Country, ee Nairobi.

Elgiva Bwire Oliacha , ayaa sanadkii 2011-kii maxkamad kutaala magaalada Nairobi ku riday xukun xabsi daa’in ah kadib markii uu ninkan qirtay in uu Al Shabaab katirsanaa kana qeyb qaatay weerar lagu dilay 11-qof .

Ninkan hada xabsiga laga sii daayay ayaa sidoo kale sanadkii 2018-kii Maxkamad ku taalla Nairobi ay xukunkiisii xabsi daa’inka ahaa ku bedeshay xabsi 15 sano ah kadib markii uu ku guulaystay racfaan uu ka qaatay xukunka lagu riday.

Warbaahinta dalka Kenya aya aku warantay in sii deysmada ninkan katirsanaa Al Shabaab gudaha Kenya ka abuurtay walaac iyo muran , waxaana dadka qaar ku doodeen in ninkan wali halis ku yahay amaanka bulshada Kenya.

Warar kale oo soo baxaya ayna qorayaan Warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in ninkan iyo qareenkii u doodayay markii Xabsiga laga sii daayay ay afduub u geesteen xubno katirsan booliiska iyo qoysaskooda balse markii dambe ay sii daayeen.

Sheekada ninkan qirtay in Al Shabaab horey uga tirsanaa ee dowlada Kenya sii deysay ayaana hadal heyno badan ka abuuray gudaha dalka Kenya, mana jiro ilaa hada wax war ah oo dowlada kasoo saartay arintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbitaalka takhasusiga ee Guuleed oo Qaliino kala duwan fulinaya

Cabdi Cade

Mareykanka oo Xayiraad dhinaca socdaalka kusoo rogay Madax Soomaali ah iyo magacyadooda oo….

Cabdi Cade

Soomaali taliye sare ka ahaa Kooxda Daacish oo lagu dilay weerar ka dhacay Siiriya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---