Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaankii Labaad ee kamid Noqonaya Golaha Shacabka oo goordhaw la doortay

Waxaa goordhaw hoolka xarunta tababarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, lagu doortay Xildhibaankii labaad ee kamid noqonaya Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Biixi Iimaan Cige oo katirsanaa Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisu dhamaaday ayaa maanta mar kale loo doortay in uu kamid noqdo Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya.

Musharax Biixi Iimaan Cige ayaa helay 91-cod  halka Musharaxii la tartamayay Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil uu usoo xushay qaab malxiis oo kale uu isna helay 9- cod oo kaliya, waxaana halaabay hal cod kaliya.

Doorashada Xildhibaanada gobolada Waqooyi ayaa inta badan natiijadooda waxa ay tahay kuwa lasii ogyahay oo aysan ka dhaceyn doorasho furan, waxaana xubnaha kasoo galaya Baarlamaanka gobolada Waqooyi kala wata Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Mahdi Guuleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun adag oo lagu riday rag Al Shabaab u qaabilsanaa Sameynta Qaraxyada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Laftagareen oo wareegto ku magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood (Akhriso)

Caydiid Ali

Iska horimaad ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---