Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Taliban oo markii ugu horeysay fagaare ka soo muuqday

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Mullah Hebatullah Akhundzada ayaa maanta dadweyne kula hadlay magaalada dhacda koonfurta Afghanistan ee Kandahar, waa markii ugu horreysay uu goob fagaare ah kasoo muuqdo tan iyo markii uu xilkan qabtay sanadkii 2016-kii.

Sabtidii lasoo dhaafay, Hebatullah Akhundzada wuxuu booqday dugsiga Qur’aanka ee Daarul Culuum Al Xikmah halkaas uu kula hadlay ardey, wuxuu ku tilmaamay “Ciidamo iyo ardey geesiyeaal ah” sida laga soo xigtay cod laga soo duubay oo lagu baahiyay boggaga baraha bulshada ay kuleeyihiin Daalibaan.

Akhundzada wuxuu u duceeyay dadka reer Afghanistaan ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka qeyb qaatay dagaalkii ka dhanka ahaa waxaa uu ku tilmaamay “gaalada iyo kuwii dulmiga waday”

Cod 10 daqiiqo ah oo laga soo duubay hoggaamiyaha Daallibaan ayuu wuxuu ugu duceeyay shuhadada iyo dadkii ku dhaawacmay dagaalka Afghanistan, wuxuu ku tilmaamay guusha usoo hoyatay saraakiisha Daalibaan “Imtixaamkii ugu weynaa” ee dib logu dhisayo Imaaraatka Islaamiga ee Afghanistan.

“Aan duceysanno maadama aan guushan gaarnay, waxaan soo marnay imtixaam adag, Ilaahey ayaan weydisaneynaa in uu na siiyo awood xooggan” ayuu yiri hoggaamiyaha ururka Daalibaan oo labo bilood ka hor la wareegay awoodda.

Mullah Hebatullah Akhundzada wuxuu booqday iskuul ku yaalla magaalada Kandahar isaga oo ay wehliyaan kolonyo baabuur ah, waxaana si weyn loo adkeeyay amnigiisa, xilliggaas dadka looma ogoleyn in wax sawir ah ay ka qaadaan hoggaamiyaha Daalibaan.

Muddo dheer ayuu ninkaasi qarsoonaa oo aanan xog badan laga heli jirin arrintaas oo horseedday dood ku aaddan dowrka uu ka qaadan doono dowladda cusub ee Daalibaan ay u dhisi doonaan waddanka Afgaanistaan iyo weliba xitaa warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ninkaasi uu geeriyooday.

XIGASHO:BBC

Related posts

(Sawirro) Sidee Xassan Shiikh oo loogu soo dhoweeyey Magalada Dhuusamareeb?

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo caawa la casheeyay Ciidamo Dhoolo-tus kasoo qeyb galay (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi ka cabsi qaba in la dilo dad uu kula sheekeestay Fariimaha WhatsApp-ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---