Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee dugsiga tababarrada booliska ee General Kaahiye.
Rooble ayaa u kuurgalay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi oo dhowaan la filayo iney bilaabato.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada.
Ra’iisul Wasaaraha Somalia kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com