Agaasimaha Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi ayaa soo dhoweeyey xilka ka qaadista lagu sameeyey, isagoo hambalyo u diray agaasimaha cusub ee lagu bedelay.
Golaha Wasiiradda xukumada Somalia oo kulan aan caadi aheyn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
“Xilalka iyo Shaqada Dowladda oo meerto ah awgeed, waxaan soo dhoweynayaa xil ka qaadistayda iyo magacaabista Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Cabdulkadir Cilmi, waxaana ugu duceynayaa in uu Allah ku garab galo masuuliyadda culus ee loo igmadey” ayuu yiri Koofi oo qoraal kooban ku baahiyey baraha bulshada.
Koofi ayaa intaas ku daray in masuulka cusub ee loo magacaabay Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda uu yahay qof dhalinyaro ah oo halkeeda ka sii wadi kara shaqada heyadda.
“Mahad iyo bogaadin waxaa u soo jeedinayaa madaxda Qaranka oo hay’adda u soo xuley nin dhalin yaro ah oo aan aaminsanahey in uu halkii ka sii wadi doono howlaha hay’adda. Dowladnimada ayaa naga badan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray.
Maxamed Aadan Koofi ayaa xilka agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda loo magacaabay bishii 6-aad sanadkii 2016 waxaana muddadii uu xilka hayay uu hormar ballaaran ku sameeyey hay’adda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com