Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Mdaxweyne Guudlaawe & Raisul Wasaarihii hore? (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Ali Gudlawe Hussein oo howlo shaqo u joogo Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Raisul Wasaarihii Hore ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirkii hore ee Amniga Xilibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Kulankan ayaa looga hadlayay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka.

Ra’isul Wasaarihii Hore Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxwayne Cali Guudlaawe Xuseen ku bogaadiyay hanaanka daahfurnaanta ah ee uu u maamulay doorashadii aqalka sare ee ka dhacay Magaalada Jowhar.

Sidoo kale, Khayre iyo Cali Guudlaawe ayaa ka wada hadlay sidii hanaan daah duran loogu qaban doorashooyinka xubnaha golaha shacabka ee dhowaan ka bilaabanaya dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay degaanka Seydheelow

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Digniin adag kasoo saaray Hubka ….

Cabdi Cade

Ku-simaha Madaxweynaha oo booqday xero ay ku jiraan Ciidamo Dagaal loo diyaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---