Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Mudane Maxamed Xasan Ciro .
Guddiga Doorashadda ee heer Federaal ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Dowladda Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka oo dhawaan la filayo in dalka ka bilaabato.
Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyo maamulka Puntland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com