Guddiga Xalinta Khilaafadaka Doorashada Dadban ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ku saabsan doorashadda Gollaha Shacabka ee Kuraasta Goboladda Waqooyi oo la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Warka kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafadaka ayey ku sheegeen in masuul ka yihiin u garnaqida iyo xalinta khilafaadaka doorashada iyo sidoo kale in awood u leeyihiin in ay baaritaan ku sameeyaan cabashooyinka ay soo gudbiyaan musharaxiinta iyo ergada.
Guddiga xalinta Khilaafadaka ayaa kahor yimid Habraaca Doorashada Gobolada Waqooyi oo dhigayay in waxii cabasho ah oo ka yimada doorashada gobolada Waqooyi ay xalinayaan gudoonka sare ee guddiga Doorashooyinka Somaliland.
Qoraalka kasoo baxay Guddiga xalinta Khilaafadaka doorashada ayaa kusoo aadaya xili mid kamid ah kuraasta doorashada gobolada Waqooyi uu muran ka taagan yahay laguna eedeeyay Mahdi Guuleed in uu boobayo.
Halkan ka Akhriso Qoraalka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada