Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Britain oo sheegtay iney Somalia u soo direyso ciidamo burburiya Al-shabaab

Sida lagu qoray The Mirror Dowlada Britain ayaa qorshaynaysa iney Somalia u soo dirto ciidamo gaar ah oo gacan ka geysanaya wax loogui yeeray shabakaad argagixiso ah.

Ciidamadan oo aan tiradooda la ogeyn ayaa la sheegay inay Somalia gacan ka siinayaan dhanka tababarka iyo qorsheynta howlgallada si ay Ciidanka Somalia awood ugu yeeshaan inay cagta mariyaan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsa Ciidamada Britain ayaa ku sugan Somalia sida wargeysku qoray kuwaasoo qorshaynaya tallaabadan, waxayna howshooda si rasmi ah u bilaabi doonaan sanadka soo soocda 2022-ka.

Britain ayaa sheegtay inay Somalia horey uga joogeen ciidamo yar oo tababara askarta Somalia, balse ay haatan arrintaas sii xoojinayaan.

Dowladaha deeqda bixiya iyo quwadaha waaweyn ee caalamka ayaanay qorshaha ugu jirin iney ciidamada dowlada Somalia siiyaan qalab casri ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab, iyagoo taas bedelkeed balaayiin dollar ku bixiya ciidamo afrikaan ah oo DF ilaalo ka haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Milateri hubeysan oo xoog ku soo furtay haween iyo caruur afdduub loo heystay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad Xukuno culus ku riday xubno lagu helay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab & Daacish

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo wada qorshe dib loogu celinayo qaxootiga codsigooda la diiday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---