Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo digniin adag siiyey Milateriga afgembiga ka sameeyey Sudan

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in Mareykanku uu garab taagan yahay shacabka Sudan wuxuuna sheegay in talaabo walba oo ka dhan ah dibad baxayaasha aan la aqbali karin.

War uu soo saaray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa wuxuu ku baaqay in la soo celiyo dowladdii ku meel gaarka ahayd ee shacabku hogaaminayay.

Britain ayaa sidoo kale ku baaqday in xaaladda la dejiyo. Goor sii horeysayna, sarkaal ka tirsan waaxda arrimaha gudaha Mareykanka ayaa sheegay in 20-30 qof la dilay tan iyo afgembigii isniintii ka dhacay dalkaas iyadoo qiyaastii 30 siyaasiyiin la xir xiray.

Ciidamo hubeysan ayaa la soo dhoobay waddooyinka caasimadda Sudan ee Khartoum iyadoo isgaarsiinta telefoonadana la jaray maanta oo la qorsheynayo isu soo baxyo ka xooggan kuwii hore.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray buundooyinka caasimadda ku xiraya magaalooyina kale waxayna bar koontaroollo ka sameeyeen wasooyinka waaweyn.

Raysal wasaarihii xilka laga tuuray, Abdalla Hamdok, ayaa weli xabsi guri ku jira, koox wasiiradiisii hore ka tirsan ayaa iyaguna sheegay in loo diiday inay booqdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Wakiillo ka socday Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo: Maxaa looga hadlay kulankii deg deg ahaa ee Farmaajo & Talisyada ciidamada?

Caydiid Ali

Feysal Cali Waraabe “Farmaajo wuu nooga dhaartay dagaalka Tukaraq, waana ka rumeysanay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---