Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sacuudiga oo qaaday Talaabo kale oo uga sii dartay Xiisada kala dhaxeeya dalka ….

Boqortooyada Sacuudiga iyo dowlada Imaaraadka Carabta ayaa si weyn uga carooday wareysi uu dhawaan bixiyay Wasiirka Warfaafinta dalka Lubnaan George Kordahi, Wasiirkan ayaana Sacuudiga iyo Imaaraadka ku dhaleeceeyay howlgalka ay ka wadaan Yemen.

Sacuudiga ayaana qaaday talaabo kale oo uga sii dartay xiisada kala dhaxeeya dowlada Lubnaan oo mar xiriir dhaw lahaayeen, waxa ayna Sacuudiga ku amartay safiirka Lubnaan u jooga Sacuudiga in dalka ka baxo halka safiirkeeda Lubnaan joogana u yeeratay.

Khilaafkan uu labada dal ka dhax abuuray Wasiirka Warfaafinta Lubnaan Kordahi ayaa uga sii daray xaalada siyaasadeed ee ka taagan dalka Lubnaan, waxaana laga cabsi qabaa in dalalka Khaliijka xiriirka u jaraan dalkaasi.

Jaamacada Carabta ayaana sheegtay in ay ka walaacsan tahay xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya Wadamada Khaliijka iyo Lubnaan, waxa ayna Jaamacada Carabta ugu baaqday in labada dhinac qaadaan talaabooyinka xaalka lagu dejinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=J_bkNwxFCKg

Related posts

Cali Guudlaawe oo si kulul uga hadlay dilka Nabadoon Cabdi Xuseen Colow

Caydiid Ali

Dowladda Imaaraadka oo Deeq Raashin ah ku wareejisay dowladda Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Arrinta Ethopia ee Heshiiska MoU iyo xalka ugu dambeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---