Shirkada Facebook ayaa maalmo kahor shaacisay in magaca shirkada loo bedelayo Meta, waxaana durba hadal heyn badan magacaasi ka abuuray baraha bulshada, iyagoona dadka isweediinayaan magacan cusub waxa uu salka ku hayo.
Magaca cusub ee Facebook loo bedelay ee Meta ayaa dood iyo hadal heyn badan ka abuuray gudaha Israa’iil, waxaana magaca Meta luqadda Hebrew ee looga hadlo Isra’il uu noqonayaa micno ahaan “dhimasho”.
Baraha bulshada gaar ahaan Facebook iyo Twitterka ayaa dad badan ku baahiyeen aragtidooda ku aadan magacan cusub ee Meta, waxa ayna dadka barahaasi kusoo bandhigayeen hal ku dhigga #FacebookDead.
“Waad ku mahadsan tahay in dhammaan dadka ku hadla Hebrew aad u soo bandhigto wax ay ku qoslaan.” ayey Twitterka kusoo qortay Haweeney aragti ka dhiibaneysay magaca cusub ee loo bedelay Facebook.
Shirkada Facebook ayaana shaacisay in magaca shirkadaasi loo bedelayo Meta, waxaana tan iyo markii Facebook shaacisay go’aankaasi dad badan isweediinayeen ujeedka magacana shirkada u qaadatay iyo waxa uu mico ahaan yahay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=J_bkNwxFCKg