Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo booqasho deg deg ah ku tagay Xerada Balli-dooglle (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Xerada Ciidanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Lafta Gareen ayaa waxaa xerada kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya kuwaa oo warbixin ka siiyay ciidamada xeradaasi ku sugan ee Kumaandooska Danab iyo ciidamo kale oo tababar u socdo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaana wararku sheegayaan in kulamo gaar ah la qaatay saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya iyo saraakliil kale oo katirsan ciidamada Mareykanka ee xeradaasi ku sugan tababarkana siiyay ciidamada Danab.

Laftagareen ayaa marar badan booqasho ku tagay Xerada ciidanka Bali-doogle, lamana oga waxa hada soo dedejiyay safarkan uu saakay ku tagay Xeradaasi ay joogana saraakiil iyo ciidamo Mareykan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug oo yeeshay shirkoodii ugu horeeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey xiisada ka aloosan Bariga dhexe

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo gacana ku dhigay Sargaal katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---