Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Afrika oo qaaday talaabo ka dhan ah Milateriga afgembiyey dowladii Sudan

Midowga Afrika ayaa ka saarey dalka Sudan xubinnimadii iyo dhammaan hawlaha ururkan, illaa iyo inta la soo celinayo dowlad kumeel gaar ah oo heysata sharciyad buuxda, oo uu dalkaasi yeesho.

Qoraal ka soo baxay midowga Afrika ayaa waxaa lagu tilmaamey afgambigii dhacey Isniintii mid aan waafaqsaneyn dastuurka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa kula hadley taleefanka ra’iisal wasarihii xilka laga tuurey, kadib markii uu gurigiisa dib uggu noqdey.

Abdalla Hamdok, ayaa la xirey intii uu socdey afgambiga. Mr Blinken, ayaa mar kale ku booriyey ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan, iney sii daayaan hoggaamiyeyaasha rayidka ee u xiran.

Ururada ganacsiga, oo matalaya dhakhaatiirta iyo shaqaalaha shirkadaha shidaalka, ayaa sheegay sidoo kale iney ku biirayaan dibad baxyada.

Mudaaharaadyo loogga soo horjeedo la wareegista ciidanka military-ga talada dalka Sudan, ayaa ka socda maalintii saddexaad magaalada caasimadda Khartoum.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan Xasaasi ah yeeshay Xili Khilaaf jiro (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida ku timid Suldaan Cumar Suldaan Maxamed

Cabdi Cade

Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadalkii Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade
Taboola Ads ---