Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ahlu Sunna oo Dib u celisay Gaadiid dagaal oo ka qabsadeen Ciidanka Dowlada (Sawirro)

Xoogaga Ahlu Sunna ee ka dagaalamayay magaalada Guriceel ayaa ogolaaday in ay isaga baxaan magaaladaasi kadib dagaal xoogan oo mudo afar maalin ah socday.

Wadahadalo socday ayaa ugu dambeyn la isku fahmay in xoogaga Ahlu Sunna loo furo wadooyin ay uga baxaan magaalada Guriceel si ay ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ugula wareegaan magaalada Guriceel.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa ogolaaday in ciidamada dowlada dib ugu celiyaan labo gaari dagaal oo ay ka qabsadeen kuwaa oo kala ahaa Beebe iyo Cabdi Bille.

Ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa saakay ku sugan goobihii maalmahan dagaalka ka socday gaar ahaan halka loo yaqaan Jaamacadda oo dagaal dhiig badan ku daatay ka dhaceen.

https://www.youtube.com/watch?v=pHS8fVlh0RM

Related posts

Sacuudiga oo joojiyey Xoolaha dalal ku yaalla bariga Afrika iyo Somalia oo..

Caydiid Ali

Hirshabelle oo qaadacday Shirka Wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

RW Abiy Ahmed oo kashifay qorsheyaal halis ah oo ay damacsan tahay TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---