Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo shaaciyey inuu iska wareejiyey kiiska dilka Ikraan Tahliil

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen ayaa sheegay in kiiskii Marxuumad Ikraan Tahliil uu wixii hadda ku dambeeya ku wareejiyey xeer Ilaallnta Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Rooble ayaa hadalkan jeediyey xili uu galabta kormeer ku tagay Xarunta Hey’adda NISA ee Habar Khadiijo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Ku simaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey.

Waxa uu ka codsaday saraakiisha heyadda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iney xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada gacan ku siiyaan baaritaanka kiiska Ikraan, isla markaana u fasaxaan iney la kulmaan cid kasta shaqadooda u fududeyn karta.

“Wasiirka amniga, taliyaha KMG ah ee NISA iyo dhammaan shaqaalaha nabad sugida iney xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada gacan ku siiyaan baaritaanka kiiska Ikraan si hufan, maadaama cadaaladu ay tahay mid aanu wada baahanahay dhamaanteen” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa marka uu hadalkan jeedinayey waxaa garabkiisa taagnaa taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey oo ka mid ah ragga sida weyn loogu tuhunsan yahay iney ku lug leeyihiin dilka Ikraan tahliil.

Dad badan ayaa shaki ka muujinaya sida Ikraan tahliil ay cadaalad ku heli karto, maadaama ragga lagu tuhunsan yahay dilkeeda qaarkood ay weli xilal sare ka hayaan taliska Nabad sugida Qaranka.

Kiiska Ikraan Tahliil waxa uu khilaaf siyaasadeed ka dhex abuuray madaxda ugu sarreysa dowladda, masuuliyiib badan ayaa xilalkooda ku waayey, waxaana waddanka uu lugaha la galay xiisad cabsi badan gelisay shacabka inkastoo khilaafkaas la soo afjaray dhowaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Faadumo Dayib oo ah..(Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia: Dad badan oo 24 saac gudahood cudurka COVID-19 u geeriyooday

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo kala diray Garsoorka gobolka Shabeelaha Dhaxe (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---