Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Beesha caalamka oo War ka soo saartay dagaalka ka sii socda degmada Guriceel

WAR-SAXAAFADEED

Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab.

Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Wasiir Ducaale iyo James Swan oo ka wada hadlay labo qodob oo xasaasi ah

Caydiid Ali

Khilaafka ay abuurto Xukuumadda federaalka ah oo caqabad ku noqdey hawlihii loo igmadey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---