Ra’iisul Wasaaraha Somalia Rooble ayaa galabta kormeeray Xarunta Hey’adda NISA ee Habar Khadiijo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Ku simaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey.
Rooble waxaa kormeerkiisa ku wehliyey oo Wasiirka Amniga Gudaha iyo xubno kale
Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa Warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG iyo saraakiisha hay’adda sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.
Xarunta NISA ee uu galabta booqday Rooble ayaa xudun u aheyd khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd shaqaalaha NISA taasoo la waayey bilo ka hor.
Kiiska Ikraan ayaa sababay Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble kaasoo meel sare gaaray inkastoo dhowaan laga heshiiyey.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com