Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal kale oo galabta ka qarxay Guriceel iyo Xoogaga Ahlu-sunna oo laga jaray..

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel dagaal culus ayaa galabta ka bilowday xaafadda Jaamacadda ee magaaladaas ka dib muddo saacado ah oo xaaladu degeneyd

Waxaa la maqlaya daryanka madaafiic culus iyo rasaas xooggan oo ay isweydaarsanayaan ciidanka Galmudug iyo kuwa DF oo dhinac ah iyo xoogag taabacsan Ahlu sunna.

Saraakiisha Milateriga DF ee ku sugan Guriceel ayaa sheegay in ay xireen dhamaan marinadii Ahlusunna gurmadka uga imaan jiray, sidoo kalena ay marsiin jireen dhaawacyadooda si loogu qasbo inaaney dagaalka sii wadin.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Qoor-qoor  ayaa saacado ka hor sheegay in maamulka Galmudug aysan joojin doonin dagaalka ayna la dagaalamayaan cid kasto oo ka hor timaada jiritaanka Galmudug.

Weli lama oga  khasaaraha dagaalka maalintii Afaraad ka socda Guriceel, hase ahaatee dad 100 kor u dhaafaya ayaa ku dhintay dagaaladii dhacay saddexdii cisho ee la soo dhaafay, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada xubnaha Golaha shacabka oo gebogebo mareysa (Tirada la doortay & kuwa haray)

Caydiid Ali

Ruto oo sheegay in ciidanka Kenya sii joogayaan Soomaaliya bixitaanka ATMIS kadib

Caydiid Ali

Ambassador Nicolas B. Martinez oo balan-qaad culus e sameeyey Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---