Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Kambala iyo Booliska oo ka hadlay

Saraaakiisha Booliska Uganda ayaa sheegay in qarax habeenkii hore  lala beegsaday bas uu ahaa is-miidaamin uu fuliyey nin ka tirsan kooxda ADF.

Waxaa weerarkaas ku dhaawacmay dhowr qof oo la socday buska la qarxiyey halka uu dhintay qofkii isqarxiyey.

“Weerarkaas qarax ismiidaamin ah ayuu ahaa oo qofkii fuliyey uu ku dhintay,” ayuu yiri afhayeenka booliska Fred Enanga.

Afhayeenka ayaa sheegay in is-miidaamiyaha uu ku jiray liiska xubnaha la raadinayo ee kooxda Xoogagga Isbaheystay ee Dimqoraadiyadda ama Allied Democratic Forces (ADF).

Qaraxa oo ka dhacay bas marayey meel u dhow caasimadda Kampala ayaa yimid laba maalin kadib markii qarax habeenkii Isniinta ka dhacay maqaayad ku taalla waqooyiga Kampala uu ku dhintay hal qof.

ADF, oo ah koox mucaarad ah oo taariikh fog ku leh Uganda, ayaa lagu eedeeyey dilka kumanaan qof oo ahaa shacab ku nool bariga dalka Congo DR.

Mareykanka ayaa kooxda ADF la xiriiriyay kooxda Daacish, iyadoo Booliska ugandha ay horey u sheegeen in weerarkii habeenkii Sabtida uu ahaa fal argagixiso, kooxda Daacish ayana markii dambe sheegatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Jabuuti oo Jawaab cad ka bixisay Eedeyntii uga timid dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Goodax Barre: “Cali Guudlaawe waa shaqsi ay ku weyn tahay caadifadda qabiilka”

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka amniga Garoowe oo hadal muran badan dhaliyey ka sheegay Warbaahinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---