Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar siiyay Wasaarado iyo Laamaha amaanka dalka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga dalka.

Roobe ayaana faray Wasiirada iyo saraakiisha amaanka in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho, si loo fududeeyo ganacsiga, loona horumariyo dhaqaalaha dalka.

Amarkan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya siiyay Wasaaradaha dekadaha, gaadiidka iyo hay’adaha amniga dalka ayaa yimid kadib markii uu shalay booqday Dekadda Muqdisho uuna warbixin ka dhageestay maamulka Dekadda iyo guddiga gaadiidleyda.

Gaadiidka waa weyn ee alaabaha kasoo qaada iyo kuwa geeya alaabaha dalka laga dhoofinayo ayaa dhibaatooyin kala kulma isticmaalka Wadooyinka magaalada Muqdisho gaar ahaan baraha koontarool ay ciidamada joogaan oo loo diido in ay ka gudbaan.

https://youtu.be/itMMydW_eA0

Related posts

Shirkado Ajnabi ah oo la sheegay in loo xiray Wadooyin muhiim ah oo kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

DF oo aqoonsigii u horeeyey siisay ajaaniib Qaxooti ah

Caydiid Ali

Ku-simaha Madaxweynah oo Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---