Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wadamo Reer Galbeed oo Raali galin siiyay Turkiga iyo Erdogan oo ka laabtay Amar uu bixiyay

Safiirada dalalka Mareykanka, Jarmalka iyo sideed dal oo kale oo reer galbeed ah ayaa raali galin ka siiyay Dowlada Turkiga  war-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku taageerayeen in xabsiga laga sii daayo hoggaamiye ka mid ah bulshada rayidka oo u xiran dowlada Turkiga.

Raali gelinta ay bixiyeen Wadamadan reer Galbeedka ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan amar ku bixiyay in dalka laga saaro safiirada tobanka wadan ee soo saaray Qoraalka ka careesiiyay dowlada Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in danjirayaashu ay dib uga gurteen bayaan wadajir ahaa oo ay ku taageerayaan Osman Kavala oo dowlada u xiran, waxa uuna xusay in dalalkan balan qaadeen in aysan faragelin doonin arimaha gudaha Turkiga.

Erdogan ayaa sheegay in qof kasta oo aan ixtiraamin Turkiga uusan sii joogi karin gudaha Turkiga, waxa uuna cadeeyay in baaqa safiirada Reer Galbeedka ee ah in la sii daayo Ganacsadaha Kavala uu yahay mid bahdil ku ah Garsoorka Turkiga.

Raali gelinta ay bixiyaan Wadamada Reer Galbeedka uu Mareykanka ugu horeeyo ayaa meesha ka saareysa in Turkiga laga eryo safiirada dalalkaasi oo horey loogu amray in ay dalka uga baxaan taas oo xiisad kale oo adag abuuri laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee magaalada Dhahar loogu soo dhaweeyay Saciid Deni

Cabdi Cade

Mid kamid ah Xulalkii ka haray Koobka Aduunka oo shaaciyay in Soonka uu saameyn ku yeeshay

Cabdi Cade

RW Ku-xigeenka dalka oo furay shir looga hadlayo arrin xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---