Allbanaadir.com
NEWS

QM, Maraykanka iyo Midowga Afrika oo War ka soo saaray afgembiga ka dhacay Sudan

Madaxda caalamka iyo ururada caalamiga ah qaarkood ayaa cambaareeyay afgembiga milateri ee ka dhacay Sudan, waxayna ku baaqeen wada hadal.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha gobolka inay hannaanka dib ugu soo celiyaan wadadii saxda ahayd.

Midowga Afrika ayaa isna dhinaciisa sheegay inay si aad ah uga xumaadeen dhacdooyinkii ka dhacay Suudaan waxayna ku baaqeen in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada hadalkii u dhexeeyay milatariga iyo dadka rayidka ah.

Mareykanka ayaa xusay inay aad uga walaacsan yihiin arrintan. Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa taageero u muujiyay dawladda ku -meel -gaarka ah .

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay afgambiga. Ergayga u fadhiya Sudan ayaa sheegay in xariga aan la aqbali karin wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalka.

Jaamacadda Carabta ayaa iyana sheegtay inay ka walaacsan tahay in Suudaan ay u gudubto xukunka rayidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koofi oo xilkii ka qaaday agaasimihii Laanta Socdaalka & Jinsiyadaha Puntland (Akhriso)

Caydiid Ali

Mareykanka oo Duqeymo culus ka geestay dhul buuraley ah oo kuyaalla Puntland

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo walaac ka muujisay rabshadaha & boobka ka socda dalka Koonfur Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---