Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Erdogan oo loolan adag kala kulmaya Doorashada Turkiga ka dhaceysa

Dalka Turkiga ayaa la filayaa in maalinta beri oo Axad ah ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha iyo tan Baarlamaanka dalkaasi oo laga soo hor mariyay xiligii horey loogu qoondeeyay.

Maanta oo sabti ah ayaa waxaa ku eg ololaha doorashada ay sameenayaan Musharaxiinta, waxaana doorashadan lagu soo waramayaa in loolan adag uu ku gali doono Madaxweynaha Shacbiyada badan ee Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray olole xoogan uu ku kasbanayay shucuubta Turkiga, waxa uuna Madaxweynaha rajo ka qabaa in mar kale ku guuleesto doorashada dhaceysa.

Mucaaradka dowlada Turkiga ayaa sameestay isbaheysi ay doonayaan in ay kula tartamaan Xisbiga Madaxweyne Erdogan ee AK party, waxa ayna mucaaradka rajo ka qabaan in Xisbiga AK uusan helin aqlabiyad ku filan.

Doorashadan ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid adag oo laga yaabo in wareeg kale dhacdo, waxaana mucaaradka Madaxweyne Erdogan sameeyeen olole xoogan ay ku doonayaan in ay kaga guuleestaan Madaxweyne Erdogan iyo Xisbigiisa.

Shucuubta Turkuga ayaa inta badan taageersan Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo mar kale tartamaya, hasa ahaatee Mucaaradka Turkiga ayaa markan leh rajo weyn iyaga oo la filayo in loolan adag la galaan Xisbiga Erdogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-bax weyn oo Muqdisho laga qaban-qaabinayo & Maamulada degmooyinka oo la wargeliyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Siciid Deni oo abaabul dagaal ka wada gobolka Bari

Cabdi Cade

Khamri badan oo laga soo galiyay Itoobiya loona waday Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---