Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Sudan iyo R/Wasaare Hamdok oo baaq soo diray (Sawirro)

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan, kadib markii ciidamo katirsan milatariga dalkaasi ay xir xireen Ra’isul Wasaarihii dalkaasi Cabdalla Hamdook iyo xubno katirsan golihiisa Wasiirada.

Ciidamada milatariga oo isku dayaya in ay sameeyaan Afgembi ayaa ku xiray goob aan la ogeyn Ra’isul Wasaaraha Dalka Sudan, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Masuuliyiin kale oo dowlada rayidka katirsanaa.

Qoraal uu soo saaray Ra’isul Wasaaraha xabsi guriga ku jira laguna daabacay barta Facebooka ee Wasaarada Warfaafinta Sudan ayuu ugu baaqay shacabka Sudan in ay sii wadaan dibad baxyada ay ku difaacayaan Dowladnimada Sudan.

Ra’isul Wasaare Hamdook qoraalka uu soo saaray ayuu ku sheegay in ciidamada milatariga ee damacsan Afgembiga ay ku cadaadiyeen in uu soo saaro bayaan uu ku taageerayo afgembiga socda balse uu ka biyo diiday.

Magaalada Khartuum waxaa hada ka socda banaan baxyo rabshado wata oo ay dhigayaan shacabka taageersan dowlada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Hamdook, dadka dhigaya banaan baxa ayaana gubaya taayaro iyagoona wadooyinka qaar dhagxaan ku jareen.

Internetka ayaa laga jaray magaalada Khartuum si aan loo ogeyn xaalada halkaasi ka taagan, waxaana maanta Caasimada Sudan ka taagan xaalad adag oo hubanti la’aan ah, waxaana magaalada lasoo dhoobay ciidamo badan oo milatari ah oo wadooyin badan xiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhurre Yuusuf Garow oo kasoo goostay Al Shabaab kana hadlay Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade

Soomaaliya Xiligan Lacag Nuucee ah ayey u baahantahay in loo soo Daabaco?

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo sheegay in Somaliland dooneyso aqoonsi Itoobiyana rabto Bad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---