Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’isul Wasaare Hamdok iyo Wasiiro oo wali xabsi ku jira iyo Ciidamo badan oo lasoo …

Magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan waxaa saakay ka taagan xaalad kacsanaan ah, ciidamo katirsan milatariga dalkaasi ayaana saakay hoygiisa kala baxay Ra’isul Wasaaraha dalkaasi Cabdalla Hamdok kadibna xabsi guri galiyay.

Ciidamada hubeesan ayaa sidoo kale iyana xabsi guri galiyay Wasiiro katirsan dowlada Sudan iyo lataliyaal iyo Gudoomiyaal Gobol, waxaana sii kordhaya tirada masuuliyiinta ee xir xirayaan ciidamada milatariga.

Ciiddamo badan oo aad u hubeesan ayaa la dhigay wadooyinka waa weyn ee magaaladda Khartuum iyo daafaheeda, waxaa la xanibay isku-socodka gaadiidka , ciidamada ayaana isku dayaya in ay kahor tagaan dibad baxyo waa weyn ay shacabka dhigaan.

Buundada magaalada Khartuum ayaa sidoo kale la jaray oo ciidamo la dhigay, waxaana hawada laga saaray Internetkii magaalada Khartuum si aan loo ogaan xaalada ka taagan magaalada Khartuum.

Ra’isul Wasaaraha Sudan iyo Wasiiro katirsan Xukuumadiisa ayaa ku jira xabsi guri, waxaana kor ka ilaalinaya ciidamo kala duwan kuwaa oon la ogeyn cida ku amartay in ay xiraan Ra’isul Wasaaraha iyo masuuliyiinta kale.

Shacabka dalka Sudan ayaa taageero u muujinayay dowlada rayidka ah, waxaana maalmihii lasoo dhaafay magaalada Khartuum ka socday dibad baxyo looga soo horjeeday milatariga talada dalka Sudan haya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo maanta la daah furay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo labo daran mid dooro ay heesato !

Cabdi Cade

(Akhriso) Wasiir Maareeye oo si adag isaga difaacay Weerar uga socda baraha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---