Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii Madaxtooyada maamulkaasi, iyadoona la magacaabay agaasime cusub.
Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii Madaxooyada Hirshabelle Xasan Cumar Axmed (Xasan Mahdi), waxana xilkaasi Madaxweyne Waare u Magacaabay Cabdi Shakuur Abuukar Xasan.
Dhinaca kale Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabelle ayaa lagu magacaabay Gudoomiye kuxigeenada maamulka gobolka Hiiraan iyo Duqa Degmada Baladweyne.
Halkan ka Akhriso Digreetooyinkan kasoo baxay Hirshabelle
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com