Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Hogaanka Ahlu Sunna oo codsaday in Xabada laga joojiyo fursad ay ku baxaana la siiyo

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo dhinaca Waqooyi ee magaaladaasi gaar ahaan halka loo yaqaan Jaamacada ay ku aruureen xoogaga daacada u ah Ahlu Sunna.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gor Gor iyo Haramcad ayaa dagaal adag kula jira xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugan Guriceel, waxaa sidoo kale madaafiic culus ciidamada ku garaacayaan aaga ay ku aruureen Ahlu Sunna.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hogaanka Ahlu Sunna ee kala ah Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir codsadeen in xabada laga joojiyo lana siiyo fursad ay magaalada Guriceel uga baxaan kuna qaataana dhaawacyada .

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa la sheegay in xiriiro la sameeyeen Senataro katirsan Aqalka Sare, Saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowlada iyo Galmudug oo ku kala sugan Muqdisho iyo Dhuusomareeb kuwaa ay ka codsadeen in xabada laga joojiyo .

Maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in ka biyo diidan yihiin in xabada laga joojiyo kooxda Ahlu Sunna ee dagaalka kala hor timid, waxa ayna ugu baaqeen Hogaanka Ahlu Sunna iyo ciidanka ay wataan in isa soo dhiibaan si naftooda loo bad baadiyo.

Ciidamada Daacada u ah Ahlu Sunna ayaa inta badan laga qabsaday magaalada Guriceel, waxa ayna isugu aruureen aaga Jaamacada ee kuyaala Waqooyiga Guriceel halkaas ay wali kula dagaalamayana ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug.

Waxaa socda dadaalo xal loogu raadinayo dagaalka ka socda magaalada Guriceel si xabada loo joojiyo, lamana oga in dowlada iyo Galmudug aqbalayaan in jid ay ku baxaan la siiyo hogaanka Ahlu Sunna iyo ciidanka ay wataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=KJMwN-DoxYA&t=61s

Related posts

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Hotel kuyaala magaalada Havana

Cabdi Cade

Sargaal kasoo goostay dagaalyahanada Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Somalia, Masar iyo Eritreya oo sameysanaya isbaheysi cusub oo ka dhan ah Itoobiya (Xog)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---