Allbanaadir.com
NEWS

Duq magaalo oo Xafiiskiisa lagu xiray iyo Sabab Cajiib ah oo ka dambeysay !! (Daawo Sawirro)

Duqa magaalo kutaala dalka Mexico ayay dadka degaanka laga soo doortay waxay ku xireen Aqalka dowladda hoose, kadib markii uu oofin waayay balamo uu ka qaaday xilligii ol’olaha doorashada.

Alfonso Hernández Montiel, oo ah duqa magaalada Chichiquila, waxaa shan bilood oo qura uga harsaneyd muddo-xilliyeedkiisa, waxaana hor yiillay inuu oofiyo ballan uu dadka degaankiisa ka qaaday xilligii doorashada.

Si kastaba, daganayaal caraysan ayaa go’aansaday inaysan sidaas kusii eeganin balse ay tallaab ka qaadaan balan-darradiisa.

Dad badan oo isaga kala yimid waaxyaha degmada Chichiquila, ayaa isugu soo baxay ardaaga hore ee xafiiskiisa  iyaga oo dalbanaya in meel cad loogu sheego ballamihii ay ka sugayeen maayarka oo ay ku jirtay inuu u dhiso buundo muhiim u ahayd.

Rumeysashada inaysan in badan sii aqbalin Karin balamo uu la galo, waxay codsadeen madax furasho dhan 10 million pesos oo lacagta Mexico ah una dhiganta ($506,000) si ay kusii deeyaan. Lacagtaas ayay u qoondeynayaan inay ku fuliyaan mashaariicdii uu ka balan-qaaday.

El Sol de Puebla ayaa soo warinaysa in wada-hadallo saacado qaatay kaddib lagu heshiiyay in maayarka uu bixiyo adduun dhan $152,000) isla goobta – inta kalana uu bixin doono maalmaha xiga ee kusoo fool leh.

In kasta oo dibax-baxyadu ay markii hore ka biya-diideen inay kahor tagaan xafiiskiisa – maadaama aysan aamineyn balan kale oo uu ka qaado – haddana waxay ugu danbeyntii aqbaleen inay isaga kala dareeraan.

 


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fashil ku yimid Qabsoomida kulan loogu daneyn lahaa Farmaajo iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Shabaabkii laga saaray qaar kamid ah gobolada dalka oo la sheegay in Muqdisho soo galeen

Cabdi Cade

Xildhibaan Faadumo Geeddi oo la ganaaxay kadib markii Xildhibaano u qeybisay Nacnac

Cabdi Cade
Taboola Ads ---