Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada Dowlada oo Nolosha ku qabtay rag Ahlu Sunna u dagaalamayay (Sawirro)

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa magaalada Guriceel ku qabtay qaar kamid ah ragii u dagaalamayay kooxda Ahlu Sunna ee dagaalka kala soo horjeeda ciidamada huwanta ah.

Sida ana wararka ku helnay ciidamada Dowlada federaalka ayaa shalay ilaa saakay gacanta ku dhigay ku dhawaad 20-nin oo katirsanaa dagaalyahanada kooxda Ahlu Sunna, waxaana raga la qabtay qaarkood yihiin kuwa dagaalka ku dhaawacmay.

Ciidamada dowlada ayaana soo bandhigay maxaabiistan dagaal iyaga oo gacmaha iyo indhaha ka xiran, waxaana lagu wadaa in ragan loo gudbiyo xabsiyo kuyaala magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Ahlu Sunna ayaa guulo ka kala sheeganaya dagaalka ka socda magaalada Guriceel, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho oo aad u badan inkastoo adag tahay in la ogaado tirada rasmiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=KJMwN-DoxYA&t=61s

Related posts

Kenya oo damacsan qorshe yaab leh oo looga hortagayo weerarada Macalimiinta

Caydiid Ali

Muxuu yahay Khilaafka culus ee ka dhex qarxay Sacuudiga iyo Imaaraadka?

Caydiid Ali

Sacuudiga oo Abaal marino qaali ah gudoonsiisay aktaro caan ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---