Xaalada degmada Guriceel ayaa caawa degan ka dib dagaal culus oo maanta ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ciidamada Ahlu-sunna.
Dad fara ku tiris ah oo magaalada ku sugan ayaa sheegaya iney maqlayaan mararka qaarkood rasaas aan badneyn
Goobiihii maanta lagu dagaalamay intooda badan waxaa ku sugan ciidamada Ahlusunna oo dagaal rogaalcelis ah maqribkii caawa kula wareegay.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug waxay ku sugan yihiin dhinaca Koonfurta magaalada, halka ciidamada Ahlusunna ay joogaan dhinaca waqooyi.
Labada dhinac waxaa soo gaaraya gurmad ciidan iyo baabuurta dagaal sida ay sheegeen ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo.
Dagaalka maanta ka dhacay degmada Guriceel waxaa ku naf waayey dad kor u dhaafaya 40 qof oo u badan Saraakiil iyo Ciidan ka tirsan labada dhinac.
Saraakiisha lagu dilay dagaalka ayaa waxaa ka mid ah taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug iyo taliyihii ahlu suna ee saldhiga Booliska Guriceel.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com