Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Yuusuf Dabageed oo Muqdisho soo gaaray, kana hadlay ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi balaaran oo uu Hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka oo garoonka diyaaradaha ee aadan cade Airport ay kusoo dhoweeyeen Xildhibaanada golaha shacabka senatortada cusub ee dhowaan lagu doortay Hirshabeelle Masuuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yusuf Axmed Hagar ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii kala duwanaa ee kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee  Muqdisho, isagoo ka hadlay Arrimaha Doorashooyinka ayaa sheegay inay si daah furan ay usoo dhameeyeen doorashada aqalka sare, tan golaha shacabkana ay u dardargalin doonaan hanaan wanaagsan oo lagu qanci doono.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaa ku daray in doorashooyinka golaha shacabka ee ka dhacaya Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne uu daah furayo Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle dhowaana uu safar ku tagi doono Magaalada Beleddweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaam Masjid oo la dilay isaga oo Salaad Dujinaya iyo Sabbata keentay

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo soo saaray Qoraal ay wel wel badan ku muujiyeen (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo Furay shirweyne ay ka qeyb galayaan boqolaal ergo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---