Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka Ahlu sunna oo dib ula wareegay degmada Guriceel & Wararkii ugu dambeeyey

Ciidanka Ahlusunna ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dib dagaal oo qaraar uu ka dhacay gudaha degmadaas.

Qabasashada Guriceel ayaa timid ka dib dagaal rogaal celis ah oo ay soo qaadeen ciidamada ahlu sunna ee laga saaray magaaladaas.

Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug ee maanta qabsaday degmadaas ayaa sameeyey dib u gurasho, iyagooo haatan ku sugan duleedka Magaaalada.

Ahlusuna ayaa dib ayaa caawa lagu arkayey saldhigga booliska iyo xarunta degmada oo saaka qabsadeen Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmudug.

Ahlu sunna ayaa la sheegay iney gurmad ka heshay ciidamo uu hoggaaminaayo Saadaq Sheekh Yuusuf oo kamid ah madaxda Ahlusunna

Khasaare xoog leh ayaa ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Guriceel inkastoo aan laga helin tirakoob sugan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aas Hargeysa loogu sameeyay Sh. Aadan Siiro & Muuse Biixi oo ka qeyb galay (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo danjire Martinez u cadeeyey Mowqifka Somaliland ee wadahadalka Somalia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo War ka soo saaray dhibaato ku soo korortay dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---