Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Galmudug oo shaaciyey iney dib u qabsadeen degmada Guriceel

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dib dagaal culus oo maanta ka dhacay magaaladaas

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shide Falag ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada, ayna ka saareen kooxda ahlu sunna

Tacshiirad ayaa laga maqlayaa banaanka magaalada oo la sheegayo inay ku sugan yihiin kooxdii Ahlu sunna ee magaalada laga saaray.

“Waxaa lagu raad joogaa raggii hoggaaminayey ee ka danbeeyay fal dembiyeedkii ka dhacay Guriceel, waxaan u sheegeynaa cid kasta oo falalkaasi ku kacday in gacan bir ah lagu qaban doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xeradda Jaamacadda ee magaaladda Guriceel uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya kooxda iyo ciidanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Amaanka oo maanta ansixinaya qaraar Somalia ku saabsan

Caydiid Ali

Xaguu ka dambeeyey xiriirka Taliban iyo Al-Qacida kadib heshiiskii Mareykanka ?

Cabdi Cade

Xukuumada oo Lacag ku taageereysa Dhismaha Degmo Al Shabaab Qarxiyeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---