Ra’iisul Wasaaraha Xukuumads Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowle.
Wareegtada Raisul Rooble soo saaray ayuu Jen Bashiir Goobe ugu magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.
Magacaabistan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii dhawaan ay gaareen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Raisul Wasaare Rooble ee lagu xalinayay khilaafkii u dhaxeeyay.