Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Iska Hor imaad khasaaro nafeed geestay oo ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha

Wararka aan ka heleyno Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Muqdisho ayaa ku waramaya in maanta iska hor imaad khasaaro geestay oo u dhaxeeyay ciidamo katirsan Dowlada iyo kooxo burcad hubeesan uu halkaasi ka dhacay.

Ciidamada amaanka iyo koox burcad hubeesan ayaa isku helay gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana labada dhinac dhax maray iska hor imaad mudo kooban socday oo dhaliyay khasaaro nafeed.

Inta la xaqiijiyay rasaasta ay is dhaafsadeen ciidamada amaanka iyo burcada hubeesan waxaa ku geeriyooday nin ganacsade ahaa oo si weyn looga yaqaanay Suuqa Bakaaraha oo magaciisa lagu sheegay Cabdulle Cawaale Fiidow(Sandheere)

Burcada hubeesan ee iska hor imaadka la galay ciidamada amaanka ayaa wararku sheegayaan in suuqa ka baxsadeen, waxaana burcadan gudaha Suuqa ka wadeen falal dhac ah ay u geesanayeen dadka shacabka ah.

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanaya burcada hubeesan oo inta badan xiran dareeska ciidanka milatariga Soomaaliya kuwaa oo dadka dhac iyo dilalba ugu geesta xaafado katirsan Muqdfisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Akhriso: Sooyaalka Amarrada uu soo saaro Gobolka Banaadir Ee Aan La Fulin !!!

Cabdi Cade

Madaxweyne Ashraf Qaani oo la baxsaday gaadiid lacago badan laga buuxiyay

Cabdi Cade

Siyaasi hore oo ka mid noqday dad saaka lagu dilay duleedka Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---