Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dagaal culus oo ka qarxay Guriceel iyo Ciidamada Huwanta oo Dhoor Jiho ka galay

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada federaalka Soomaaliya ay wehliyaan kuwa maamulka Galmudug iyo kuwa taabacsan kooxda Ahlu Sunna ayaa goordhaw ka qarxay gudaha magaalada Guriceel .

Ciidamada huwanta ah ayaa dhoor jiho ka galay magaalada Guriceel oo horey u heesteen Ahlu Sunna, waxaana mar qura magaalada ka bilowday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada iska soo horjeeda.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo wata hub xoogan ayaa dhoor jiho ka galay magaalada Guriceel, waxaana ciidamadan hogaaminaya maamulka Degmada iyo saraakiil kasoo jeeda Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna oo dhufeesyo ka qotay magaalada Guriceel ayaa isku dayaya in ay magaalaa difaacdaan, waxaana si weyn hada loo maqlayaa rasaasta xoogan ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Waxii warar ah ee kusoo kordha dagaalka kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf ku maamuusay Maxamed Cali Xumud & wafdigiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Akhriso: Warqadii lagu damiintay C/raxmaan C/shakuur iyo Shuruudo adag oo lagu xiray Damaanadii lagu daayay 

admin

UK oo Raisul Wasaare cusub yeelatay ka dib doorashadii shalay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---