Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Turkiga oo qaadeysa talaabo ay kaga aargudaneyso Mareykanka

Dowlada Turkiga ayaa qaadeysa talaabo ay kaga aargudaneyso Canshuurta dheyriga ee dowlada Mareykanka kusoo rogtay biraha iyo alumuuniyaamta ay Mareykanka ka iibiyaan dalal ay Turkiga ku jirto.

Turkiga ayaa shaaca ka qaaday  in canshuur dhan 1.8 bilyan oo dollar ay saari doonto badeecadaha lagu soo sameeyo dalka Mareykanka, waxa ayna tilaabadan ay tahay mid looga aargudanayo canshuurta dheeriga uu Trump kusoo rogay alaabaha Yurub laga keeno.

Ururka ganacsiga adduunka ee WTO ayaa sheegay in canshuuraha cusub ay 266.5 milyan oo dollar kasoo xareyn doonaan alaabo ay ka mid yihiin baabuurta, dhuxusha, waraaqaha, bariiska iyo tubakaada.

Wasiirka dhaqaalaha Turkiga Nihat Zeybekci ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Turkiga uusan ogolaan doonin in “si qaldan loogu eedeeyo caqabadaha dhaqaale ee Mareykanka.”

Midowga Yurub ayaa dhawaan ku dhawaaqday inuu diyaariyey liiska badeecadaha Mareykanka ah oo ay billaabi doonaan inay kusoo rogaan canshuur 25% ah marka dalalka ururkaas ay yimaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Full Video:-Qareenada Soomaaliya ku matalaya dacwadda badda oo soo bandhigay qorshahe ay ka naxayn Kenya !!

admin

Fanaan & Muusikiiste caan ka ahaa gudaha Soomaaliya oo geeriyooday

Caydiid Ali

Muxuu taliyaha ciidanka Dhulka kala hadlay Shacabka degaanka Janaale? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---