Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo caawa gudaha u galay Guriceel

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ay wehliyaan ciidamada Galmudug gudaha u galeen xaafado katirsan Guriceel.

Ciidamada Ahlu Sunna oo horey ugu sugnaa magaalada Guriceel ayaa lagu soo waramayaa in caawa ka baxeen qeybo badan oo kamid ah magaaladaasi kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug.

Warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Soomaaliya ayaa goordhaw baahisay in ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug hada ku sugan yihiin xaafado katirsan Guriceel, waxa ayna Warbaahinta sheegeen in ciidamada la socdaan maamulka Degmada.

Ciidamada huwanta ah inta aysan gudaha u galin Guriceel ayaa la maqlay rasaas goos goos ah taa oo keentay in shacabkii magaalada joogay guryahooda ku kala cararaan si ay uga bad baadaan hadii dagaal qarxo.

Kooxda Ahlu Sunna oo maalmihii lasoo dhaafay gacanta ku heysay magaalada Guriceel ayaan la ogeyn halka ay u baxeen, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay hogaanka kooxdaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Milateriga oo qaaday talaabo ka farxisay Shacabka reer Xudur (Sawirro)

Caydiid Ali

Israa’iil oo shaacisay tirada Askarta looga dilay loogana dhaawacay dagaalka Xa,aas

Cabdi Cade

Taliye Shanbaloolshe oo shaaciyay in la qarameenayo maleeshiyaad kasoo jeeda…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---