Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Federaal ayaa soo saaray qorshaha lagu howlgalayo ee doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan la filayo in ay ka bilaabato dowlad goboleedyada dalka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu soo bandhigay qaabka soo xulida ergada, meelaha deegaan doorashada ah, shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya kuraasta, tirada ergo ee dooraneysa kuraasta taala dowlad goboleedyada iyo deegaan doorashadooda, cod bixinta oo soconeyda 20 maalmood.
Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa marar badan waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana muuqaneysa in doorashada sanadkan dib uga dhaceyso.