Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo qaabilay Wefdi ka socda DF oo arin Muhiim u tagay Kismaayo

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Dowlada Federaalka ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
 
Wefdigan ka socda Dowlada Federaalka ayaa u tagay magaalada Kismaayo u kuur galida xaalada abaaraha ee ka jira deegaano katirsan Jubaland iyo sidoo dowlada Federaalka gacan uga geesan laheyd caawinta dadka abaauruhu aafeeyeen.
 
Sidoo kale wafdigan ka socda Dowladac Federaalka Soomaaliya waxay deeq kala duwan oo ka kooban qalab Caafimaad ku wareejiyeen Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada maamulka Jubaland.
 
Rai’sul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhawaan ka hadlay xaalada abaaraha ee ka jira Jubbaland, waxa uuna ugu baaqay Hay’addaha gar gaarka iyo shacabka Soomaaliyeed in ay gar gaar gaarsiiyaan dadka ay abaauruhu ku saameeyeen Deegaanada Jubbaland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay tirada Akoonada laga xiray kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Golaha amaanka ee QM oo cunaqabateyn ku soo rogay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Maxkamadeynta dad ajaaniib ah oo ka bilaabaneysa Muqdisho & kiis culus oo loo heysto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---