Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Farmaajo & Rooble oo ka heshiiyey khilaafkii u dhexeeyey (Akhriso 6 qodob)

Ka dib wadahadalo xalay iyo maanta ay iskugu yimaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ugu dambeyn waxay heshiis ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay

Afhayeenka Xukuumadda Soomalia Maxamed Ibrahaim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku raaceen qodobadan.

1- In iyadoo la eegayo dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka, ay madaxda isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka.

2- Inay si buuxda u wada shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka, si loo sugo amniga doorashada loogana hortago kooxaha argagixisada.

3- In Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa, oo aanay waxba iska beddelin.

4- In Jeneraal Bashiir Goobe oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle.

5- In Yaasiin Farey uu sii ahaado Sii-hayaha taliyaha NISA, inta uu Farmaajo kasoo magacaabayo taliye cusub oo la soo marsiinayo Golaha Wasiirada

6- In kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku guulaystay inuu soo afjaro khilaafka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay mamulka Koonfur galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Noole labo farood lahaa oo sanado badan kadib la helay !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney ninkeeda oo 55-sanno jir ah ku qalqaalisay in Iskuul Hoose dib ugu laabto

Cabdi Cade

Maxaa laga filan karaa Kulanka Golaha Shacabka uu Farmaajo hortagayo Goordhaw ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---