Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Shiikh Shaakir oo u digay ciidamada DF ee duulaanka ku ah degmada Guriceel

Shiikh Max’ed Shaakir oo ka tirsan hogaamiyeyaasha Ahlu sunna ee qabsaday dhowaan degmada Guriceel ayaa sheegay iney aqbaleen baaqyada nabadeed ee ka soo yeeraya qeybaha bulshada iyo beesha caalamka, ayna diyaar u yihiin wadahadal.

Shir Jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay degmada Guriceel ayuu Shiikh Max’ed Shaakir ku sheegay ineysan iyagu cidina duulaan ku aheyn marka laga reebo kooxda Al-Shabaab.

“Anagu waxaan nahay kuwii dhigay gogoshii lagu dhisay Galmudug, waxay balantu aheyd inaan wada beegsano Al-shabaab balse nasiib daro taas bedelkeed waxay beegsadeen ahlu sunna” ayuu yiri Shiikh Shaakir.

Ciidamada DF ayuu ugu baaqay ineysan weerar ku soo qaadin degmada Guriceel iyagoo fulinaya dano gaar ah sida uu yiri, ayna xoogooda ku jiheeyaan Al-Shabaab, wuxuuna xusay in shacabka Guriceel aysan mudneyn in la barakiciyo.

“Uma maleynayn in shacabka reer Guriceel loo qixinayo, iyadoo looga aarsanayo maxaad u soo dhoweyseen Ahlu sunna Waljameeca” ayuu yiri Shiikh Shaakir oo ugu baaqay shacabkii ka barakacay degmada Guriceel iney ku soo laabtaan guryahooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay xaalada Xildhibaan Abiib oo xabsi ku jira

Cabdi Cade

Arday wax ka dhigata Jaamacadda Muqdisho oo Turkiga aaday lana sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur oo DF ku eedeeyey dhibaatada ka taagan Belad-weyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---