Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta Maaliyadda Soomaaliya.
Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ee Muqdisha.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu ku soo dhammaaday guul.
Raisul Wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqanba in horumar buuxa laga gaaray koboca dhaqaalaha Dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com