Baraha bulshada dalka Masar ayaa si weyn looga hadal hayaa tuug telfoon uu dafay kasoo dhax muuqday tabin toos ah oo ka socotay Facebook, taas oo sa hashay in tuugaasi si deg deg ah loo aqoonsado loona soo qabto.
Ninkan tuuga ah ayaa la sheegay in mar qura dafay telfoon uu lahaa weriye ka tirsan warbaahinta Youm7, oo xiliga telfoonka laga dafayay ku jiray tabin toos ah ama Live ay daawanayeen dad gaaraya 20-kun oo qof.
Wariye Maxamuud Ragheb, ayaa mar qura laga dafay telfoonkii uu tabinta tooska ah uga sameenayay Facebook, waxaana telfoonka la cararay burcad ah kaas oo isna aan ogeyn in telfoonka toos looga daawanayo kadib markii uu wajigiisa ku aadiyay isaga oo sigaar cabaya.
Dhacdadan dadka badan ka yaabisay ayaa ka dhacday buundo ku taal magaalada Shubra Al Khaimah, waxaana halkaasi Wariye Ragheb uu si toos ah u duubayay dhibaatada ka dhalatay dhulgariir ku dhuftay oo sababay bur bur xoogan.
“Mr Ragheb ayaa mar uu duubayay buundada ayaa qof uusan garanayn waxa uu yahay waxa uu ka dafay taleefoonkii. Markii kaamarada ay hoos u dhacday ayaa waxaa soo baxay wajiga wiil yar oo sigaar cabaya oo aad uga walwalsan in la daba socdo”, ayay tiri warbaahinta Youm7.
Wasaarada arimaha gudaha dalka Masar ayaa shaaciday in la aqoonsaday ninka burcada ah ayna soo qabteen ciidamada booliiska, waxa ayna Wasaarada sheegtay in ninka dhacay telfoonka uu ahaa nin baagamuudo ah.
Shacabka Masar oo si weyn ugu hadal haya dhacdadan baraha bulshada ayaa tuugan ku tilmaamay midkii ugu wanaagsanaa ee Masar soo mara, waxaana muuqaalka dhacdadan daawaday malaayiin qof .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/Kbeh9LTa6Xg