Waxaa xalay mudo kadib xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan xasaasi ah ku yeeshay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble .
Kulankan dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ayaa la sheegay in uu ahaa mid horu dhac ah oo labada masuul isku warsanayeen, waxaana qabsoomida kulankan kasoo shaqeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen.
Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Laftagareen ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii mar kale labada masuul isugu geyn lahaa, waxa uuna ugu dambeyn ku guuleestay in ay is arkaan ayna wadahadal toos ah yeeshaan.
Waxaa lagu wadaa in kulan kale oo arimaha khilaafka keenay uga wada hadlayaan Farmaajo iyo Rooble in caawa yeeshaan, kulankan ayaana la filayaa in si qoto dheewr looga hadlo waxii dhaliyay khilaafka iyo sidii xal looga gaari lahaa.
Khilaafkii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble iyo fariimihii adkaa ee labada dhinac is dhaafsanayeen ayaa shiiqay tan iyo markii Ra’isul Wasaare Rooble Safar ku tagay dowlada Qadar oo xiriir dhaw la leh Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.
Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ayaa wadahadalo toos ah ay horey u yeesheen kusoo dhamaaday fashil kadib markii labada dhinac isku afgaran waayeen qodobada qaar ee dhaliyay khilaafka labada masuul ay ugu horeyso kiiskii Ikraan Tahliil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/Kbeh9LTa6Xg