Xubno ka mid ah Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha guddigaas Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan layeeshay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble .
Kulanka ayaa looga wada hadlay Dhamaystirka Doorashada Aqalka sare oo gabagabo ah iyo Dardar-gelinta Doorashada Golaha shacabka oo dhawaan la filayo inay bilaabato .
Ra’iisul wasaaraha ayaa gudiga ku bogaadiyay shaqada ay qaranka u hayaan, waxayna Go’aansadeen in Jadwalka iyo Xareynta ergada dagdag loo guda-galo si Doorashada golaha Shacabku ay u bilaamanto.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com