Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Federaalka Jubbaland (SEIT), oo gudanaya waajibadkiisa shaqo, ayaa shaaciyey jadwalka doorashada afartii kursi, ee ka dhimaneyd doorashada Aqalka Sare ee sanadka 2021-ka.
Arbacada oo bari ah, ayaa loo qorsheeyey diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada murashaxiinta iyo shubitaanka lacagta.
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa soo gudbiyey liiska magacyada murashaxiinta, afartii kursi ee ku harsaneyd ee aqalka sare ee baarlaamaanka Soomaaliya ku matali lahaa maamul goboleedkani.
HOOS KA AKHRISO JADWALKA OO DHAMEYSTIRAN
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com