Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo arin Muhiim ah kala hadlay Anita Kiki iyo xubno la socday (Sawirro)

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, iyo xubno la socday oo booqasho ku tagay Kismaayo.
 
Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlad goboleedka Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa ee Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka.
 
Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.
 
Maamulka Jubbaland oo horey u noqday maamulkii ugu horeeyay ee bilaabay doorashada Aqalka Sare, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda Kismaayo lagu doorto afarta xubnood ee Aqalka Sare uga harsan Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iska horimaad caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Belad-weyne

Caydiid Ali

(Sawirro) Kenya oo baadi goobeysa shan nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Sida Cadaado ugu diyaar garowday soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo

admin
Taboola Ads ---