Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney mar qura dhashay 7-Caruur ah iyo Warbaahinta oo hadal heysa !!

Haweeney u dhalatay dalka Pakistan ayaa mar qura dhashay todobo caruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana xaalada caruurtan dhashay lagula tacaalayaa isbitaal caalamiga ee lagu magacaabo Jinnah.

Aabaha dhalay caruurta badan ee mataanaha ah oo lagu magacaabo Yaar Mohammed, ayaa warbaahinta u sheegay in markii xanuunka foosha qabtay xaaskiisa ula soo cararay Isbitaalka Jinnah ee kuyaala magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan.

Waxa uu sheegay aabahan in aad ugu farxeen markii loo sheegay in xaaskiisa dhashay 7-caruur ah oo isugu jira Afar Wiil iyo Sadex gabdhood ayna ilaah uga mahad celiyeen, waxa uu cadeeyay in uusan fileyn in xaaskiisa mar qura dhaleyso 7-caruur ah.

Caruurta Mataanaha ee ku dhashay isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Jinnah iyo hooyadood ayaa la sheegay in xaalkooda uu wanaagsan yahay, waxaana caruurta kusii jiri doonaan isbitaalka inta xaaladooda laga hubinayo.

Warbaahinta dalka Pakistan iyo baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa hooyadan dhashay 7-caruur mar qura, waxaana dad badan ku tilmaameen qoyskan kuwa nasiib badan oo ilaahey ku maneestay caruur badan oo mataano ah.

Bilooyin kahor ayey aheed markii Haweeney 25-sano jir ah oo u dhalatay dalka Mali 9-caruur ah ku dhashay isbitaal kuyaala dalka Maroko, waxaana hooyadan mataanaha badan dhashay hadal heyn badan ka abuurtay Warbaahinta caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal qoraal ah u diray Raisul Wasaare Boris Johnson

Caydiid Ali

Shirkadaha Diyaaradaha dalka oo labo daran mid dooro ay heysato xilligan

Cabdi Cade

Gabar uu dhalay Boqor Salman oo Xabsi lagu xukumay iyo dambiga lagu helay oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---